Idaacadda04:00 
Idaacadda11:00 
Idaacadda14:00
Idaacadda18:00
 
13:00 Duhurnimo
16:00  Fiidnimo
17:00 Habeenim
 
Waayaha

Nugaalmed

Allpuntland
Allidamaale
Puntlandpost
Dowladnimo
Somalifans
Juurile.
Jidbaale
Mudug-Online
Halgan
 

 

 

Waxaa maalmihii la soo dhaafay shir uga socday Magaalada Buura-wadal Isimada SSC, Isimada SSC ayaa waxaa ay maanta soo afmeereen shirkoodii waxaa ay ka soo saareen Go,aamada hoos ku xusan.

Sadexdii bilood ee u danbeeyay waxaa Xarunta deegaamada SSC ee Laas caan ood ka bilaabmay qaraxyo iyo falal argagixiso oo ay ka danbeeyaan maamul kaasi,si ay fasax ugu helaan cabudhinta iyo xidhxidhka shacabka reer Laascaan ood,waxaa xabsiyada magaalooyinka Mandheera,Burco ,Caynaba iyo Laascaan ood ku xidh xidhan Ganacsato,Odayaal,Siyaasiyiin iyo Culima'udiin aan wax dan bi ah galabsan.

Waxaa kale oo la barakiciyay walaalahayagii Soomaaliyeed ee kasoo haajiray colaadaha ka aloosan Gobolada Koonfureed oo hoy iyo hantiba ka yagleeshay deegaamadayada Hadaba waxaanu la socodsiinaynaa UN, Urur Gobolleedka IGAD, AU,  Arab League ,Dowlada Federaalka iyo cid kasta oo danaynaysa nabadgalyada Geeska Africa hadii aanay xal dagdaga u helin ka saarida ciidamada gardarada aan geedna loogu soo gaban ku jooga deegaamada SSC in uu ka aloosmi doono dagaal raag oo riiq dheeraada yeeshana wajiyo badan.

waxaanu si wada jir ah isula qaadanay qodobadan:

1.   Waxaanu samaynay Gudi layiraahdo Qusuusi.

2.  Qusuusigu waxay ka koobnaanaysaa 21 xubnood,Sadex kamidi Dumar yihiin.

3.     Qusuusigu waxay awood u leeyihiin in ay ansixiyaan ama badalaan Hogaankii lagu soo dhisay Nairobi.

4.  Qusuusida waxaa soo xulaya Beelaha waxaana ansixinaya Issimada.

5.   Qusuusidu waxay iska dhexdooranayaan Gud. Kuxigeen iyo Xoghayn

6.  Qusuusida waxay mudadooda ku egtahay sanad iyo badh laga bilaabo maalinta la ansixiyo.

7.  Qusuusiga waxaa lagu keenayaa mudo dhan 10 casho laga bilaabo maalinta gudoonkani soo baxo.

8. Qusuusiga waxaa kala diri  kara Issimada saxeexay cod 2/3.

9. Shuruudaha lagu soo xulayo waxaa qeexaya xeer hoosaad ugaara.

B :Wacyigelin

Waxaa la dirayaa laba wafdi oo kakooban Issimada Cuqaasha iyo Xubno kamida Qusuusida waxaana loo kala dirayaa deegaamada SSC si ay dadka ugu soo baraarujiyaan xaalada adage e lagu jiro iyo sidii looga bixi lahaa.

C :Dhaqaalaha

Dhaqaaluhu waa lafdhabarta lama huraanka ah ee loo baahan yahay waana arin aan, la'aanteed suuroobi karin  waxqabad rasmi ah, waxaana la isku raacay dood dheer kadib in laga raadiyo jaaliyada dibada iyo wadanka gudihiisa,wixii faahfaahin ah ee intaa dheer waxaa qeexaya xeer hoosaad ugaara.

D: Puntland.

Sidda la wada ogsoon yahay sadexdii maamul ee ukala danbeeyay Puntland midba midka kale waa uga dacay iyo hagardaamo badnaa waxayna sahleen in laqabsado laguna fido qaybo kamida deegaamada SSC,waxayna curyaamiyeen isku day kasta oo lagu soo celin lahaa deegaamadaa.

Sidaa darteed dhaqab iyo Shacab ba waxaa u cadaatay in xukuumada hada jirtaa aanay diyaar u ahayn waxkaqabadka howshaa,hadaba waxaanu goaansanay in xaajadaa loo wajaho hab qabiil hormuudna aanu ka noqono beel ahaan xukuumada waxaan ku qiimaynaynaa hadba sida ay ka yeesho howshan maanta lagudoomiyay.

Waxaan marnaba la ilaawi Karin taageeradii naf iyo maalba lahayd ee ay muujiyeen shacabka reer Puntland isku dayadii lacuryaamiyay ee lagu soo celin lahaa gobolada SSC hadana waxaa looga baahan yahay taageero hiil iyo hool ba leh.

Magacyada Issimada Saxeexay:

1. Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac

2.  Garaad Salebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud

3. Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil

4.Garaad Cabdillahi Garaad Soofe
 

5. Suldaan Siciid Cismaan Cali
 

6. Garaad Abshir Salax Maxamed
 

7.     Ugaas Cabdillahi Ciise Nuur
 

8. Garaad Cali Burale Hassa

9.Boqor Cabdillahi Ahmed  Cali

10.Garaad Cabdisalam Hasan Maxamed
 

11. Garaad Maxamud Cisman Mashqare

12.Garaad Saleban Burale Ow-Adan

13.Garaad Cabdillahi Maxamed Guuleed

14. Ugaas Faarax Max'ud Cali

15.  Garaad Ibrahim Baaruud Guutaale

Wabillahi Towfiiq   Isimada SSC

 soo gudbiye u6@h.com

  Walal waxaanu ku xasuusineynaa inaad hadaad doontid inaad dhageysatid wararka webka sida BBcda  xasuusnoow inaad  TV webka hoos Riixdid si codka kaaga xidhmo dabadeedna aad u dhageysatid Barnaamijyadda kale inshalah

Adoo rali  ah iska xidh codka tv hadaad dhageysaneysid codka kale Riix halka + - aay ku Garab taalo 

 

     
 

 

web jirac
     
e                                                                                  Webjirac@hotmail.com