War saxafadeed ka soo baxay wasiirka amniga ee D.G. puntland kuna sabsan  dhanka  nabadgelyadda

War saxafadeedkaa uu soo saarey wasiirka aminga ee D/G.puntland   uuna ku sheegay inaay wax ka bedeli doonaan  ayadoo ay baryahaan danbe  aay ku soo badanayaan maamulka puntlaand burcad iyo kuwa dadka si barerah u dila

waxanu ka soo saarna amaro maxaayeelay baryaahaan danbe ayadoo aay kusoo badanayaan burcadda  ayaa waxa iska daba dhaca  weeraro aan meel aay ka yimaadeen lagaraneynin iyo meel aay ku wajahan yihiin

hadaba waxanu ka soo saarnay qodobadaasi oo aaynu ku dhaqmi doono laga bilaabo marka ay soo ban baxdo  

1-ciddii u hogaansami weydo in lagu qaadaayo sharciga  oo ah in la xidho muddo lixbilood

2-cidii aanu ku aragno dharka ciidanka isagoo la wareegaayo in talaabo laga qaadi doono hadduusan shaqo ku jirin

3 -gawaaridda cabdi bilaha ah ee qoriga saaran magaladda dhexdeeda waa ka mamnuuc haddii uusan shaqo kujirina  oo uu wato  si kale waanu kala wareegeynaa islamarkaasna  waxanu xidheynaa  6 bilood oo xarig ah

4-gawaridda yar yarka ah ee kuwa raaxadda loogu tala galay waa inaay ka wadda fujiyaan sharaxaadda ay sameyeen oo muraayadaha madoowga ka dhigay iyana cidii aanu ku qabano una hogaan sami weydo waanu kala wareegeynaa hantidiisa islamarkaasna la xidhaayo mudo 6 bilod ah

Qodobka ugu danbeeyo  waxaanu nahay dad muslim ah lamana ogola in la buux dhaafsho meelaha an munaasabka aheyn islamarkaasna ay ku  daawadaan filimadda aadka xun  talaabo laga qaadi doonaa dhankaasi  cidii lagu qabtana lagala wareegi doonaa meesha uu  ku sameyey lana xidhi doonaa mudadda anu soo sheegnay ee 6 bilood ah

 maxamed cabdi garoowe