![]() ![]() |
||
|
xaqa walidiintu aay leeyihiin waa mid aanu gudi karin balse walidku siduu ula dhaqmaa caruurta uu dhalay
Ilaah baa mahad idilkeed u sugnaatay,
Allihii dadka ka buuray biyo taag daran, kana dhigay xidid iyo
xigaal, Nabi Moxamed nabad galyo iyo naxariis ha ahaato, waxaan
qirayaa inuu na soo gaarsiiyay dhaqan wanaagsan dhamaantiis oo
aan dhib lahayn, nooga digay dhaqanka xun iyo cirib xumaantiisa.
Intaa ka dib sida caadiga ah waxaan
waxbadan maqalnay xuquuqda waalidka, oo culumaddu ay wax badan
noo tilmaantay waynankeeda iyo caasinimada ciqaabteeda. Alle ha
naga dhigo kuwa xuquuqda waalidka guta. Waxaase lagama-maarmaan
ah in ilmaha dhaqankooda la toosiyo si ay xilkooda uga soo
baxaan, waxaa kale oo aan meesha ka maqnayn in ubadku xuquuq ku
lee yahay waalidka, taasoo ay diintu noo cadaysay, sida inuu
Aabuhu marka horaba ku xusho ilmihiisa hooyadood dhaqan
wanaagsan iyo diin, inuu magac fiican u bixiyo, inuu hagaajiyo
masuuliyadda koriinkooda, inuu waxbarashdooda hagaajiyo.
Xaalada koriinka ubadka, oo ku xiran
bulshadda ay ku dhex korayaan awgeed, maqaalkaani waxa uu micne
wayn u samaynayaa waalidiinta ku dhaqan wadanka banaankiisa.
waxaan ka deeqtoomi karin waalidka wadanka(Soomaliya) jooga oo
raba inuu fahmo asbaabaha lagu noqdo waalid wanaagsan
Hadaba mar hadii guri la yagleelo, Eebena
uu ubad keeno, waxaa la yahay waalid, laakiin waxaa iswaydiin
mudan, sidee loo noqon karaa waalid wanaagsan oo ku dayasho
mudan?
Waalid ahaanshuhu waa khibradaha qof
marayo kuwa ugu farxada badan leh
Waalidku si ay macno u samayso ku
dayashada ilmihiisu, waa in marka hore uu isgu hagaagsanaada,
waa inuu isagu ku taagnaadaa wadada uu rabo in ilmihiisu maraan,
Tusaalaha fiicani waa kii adiga dhaqanka kuu ah, ( badanaa
aabaha sigaarka cabaa, ubadkiisuna waa u badan yahay inay cabaan).
Dhaqanka fiican ee ku dayashada mudan waa mid la baran karo,
hadii waalidku rabo inuu xilka saaran ka soo baxo.
Qoysku waa inu markasta jiraa jacayl,
tixgalin, iyo qiimayn ay isu hayaan labada uu ka unkamay gurigu,
hooyadda iyo Aabaha. Qalalaasaha, qayladda, buuqa iyo qilaafka
qoysku, waxa uu ubadka ka dhumiyaa farxadda; haday farxaddu
dhunto, waxaa ku dhaca qalbi jab, waxaa bilowda nacayb; mar
hadii nacayb yimid ku dayasho dhamaatay
c/raxmaan nasiib
c/raxmaan nasiib
|
||