KISMAAYO:-KIBIR MA JABO NINKIISA AYAA JABO 

Hordhac:

Halgankii xoreynta iyo iska tuurista heeryada gumeysiga ma xishoodaha ah wuu bilowday. Mana  istaagayo ilaa ay ummadahaasi ay helaan neecowda xuriyadda.

Runtii waxaa la yaab iyo amakaag noqotay in ummadda soomaaliyeed ay gumeysi ku qabsadaan dad sheeganaayo inay Sommali wada yihiin. Waa arrin mucjiso ah oo weli si dhab ah aan  looga wada hadlin.  

Waxaan kaloo u sheegeynaa in horay loo yiri “ninkii dhoof ku yimid baa geeeridu dhibeysaa”.

Sida aan horay u soo xusayba, waxay taariikhdu na bareysaa in Diktaatooriyad badan burburtay, kaligii talis badan afka ciida loo galshay…sidaasi waa soo jireen waayaha aan ka baranay…aaway Jeneral Iidi Amiin, Charles Tyler, Hitler, Milosovich…..iyo kuwo kale oo farabadan.

Waa inay ogaadaan kuwa haatan ka taliya Gobolka jubooyinka  iyo gobolada kale  iney arrintooda ku dambeyn doonto “ KIBIR MA JABO NINKIISA AYAA JABO”

Hadaba, maamulka burcadda ah ee xaqdarada kaga taliya Gobolka jubooyinka  ee uu hogaamiyo tuugadda weeyn oo  lamagac baxda hadba magac  u sheegeynaa inaay waqtigooddii dhammaaday.  Dadweynaha goboladaa ku noolna ay maanta diyaar u yihiin halgan aan laga soo laaban doonin oo ay ka dhabtahay in ay soo ceshadaan xuquuqdooda iyo sharaftooda ee la duudsiiyey.

Sida ay dhammaan ummadda soomaliyeed ay la socdaanba waxyaabihii laga dhexlay dagaalada sokeeya ee dalkeena ku habsaday waxay aheyd in dadyow ay ujeedadooda aheyd in la bedelo xukunkii kaligii taliska ahaa ee militiriga. Sida isbedelkaasi ku yimid weynu wada ogsoonahay, wuxuuna ahaa mid ku yimid kacdoon shacbi(popular uprise). Qolooyin kale waxay lahaayeen ujeedo u qarsoon oo mar dambe soo ifbaxday.  Taasoo aheyd in shacbiga soomaaliyeed la xasuuqo,hantida gaarka ah iyo tan qaranba la boobo,  in kaabayaasha dhaqaale ee uu dalka lahaa la burburiyo,dil ,dhac iyo waxkasta oo ka dhan ah  xuquuqda insaanka (crimes against humanity) la adeegsado, laguna kaco shucuub aan isdifaaci Karin.

Shirarka dib u heshiisiinta Soomalieed waa lagu soo qaadaa in dhulal laga haysto ama hanti la isku celiyo.  Balse marnaba lagama hadlo Dadyowga Gumeysiga isir tiirka ah ku jiro oo la doonayo in dad deegamadooda ka soo hayaamay ay dhul aysan laheen boobaan, welina rabaan inay ku tarmaan si berri ka maalin ay u sheegtaan in ayaga goboladaasi leeyihiin..

Waxaa taasi ka sii darneyd in dhul aysan laheyn ay boobaan, dadkii  soo jireenka ahaa ee dhulalkaa iska lahaa lagu sanduleysto aduunsi iyo falal bani’aadamka ka dhan ah. In  si xaq daro ah dhul beereedka iyo kheyraadka goboladaasi loo booboHadaba, arrimaha aan soo xusay waxaa si waaqici ah looga hirgelieyey gobolada shabeelaha hoose,banaadir, Jubooyinka hoose .

Waxaa waayaha soo jireenka ah iyo taariikhdii hore iyo maanta joogtaba na bareysaa in dadka dulmiga iyo xaqdarada adeegsadaa ay u dambeyn doonto burbur iyo taariihkh muqdi ah oo markastaba lagu xuso bogga taariikhda. .

maxamuud cabdi kismaayo  .